QEYLODHAAN
Ku Soo Dhawaada Qeylodhaan
qeylodhaan


Maqaalo

October 23rd, 2011

GACMIHIISA EEDUHU RAGGUU GANAYO MUU DAYSTO?

aw-aden

W/Q: Cabdi Jaamac Aw-Aden

Ragga isku gadaamay cimaamadaha oo ku dacwiyaya inay hirgelinayaan diinta, dalkana ku soo rogayaan xukunkii weynaha oo haddana ujeeddadaas u maraya gawraca iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed ee waayo badan ahaa muslin sow maaha kuwo garaadkoodu fooraro? Raggaan yiri; taayada mooyee tu kastoo kale waa gef, ganaaxeeduna waa dil aan garsoor laheyn oo haddana u qoondaynaya Soomaaliya mid ka madaxbannaanan karta dunidaan leh awoodo kale sarreeya sow maaha maangaabyo aan garaadka loogu dhibcin? Raggaan yiri; waxaan u xoog sheeganaynnaa dhammaan xoogagga naga soo horjeeda oo ay ku jiraan kuwii dunidan ugu itaal roonaa, wadaxaajood iyo isusamirna waa reebban yihiin sow maaha habow marinhabaabis badan? Raggaan gaaray inay dumarkii hubeeyaan oo raba in laga toogto hooyo naaskay ku nuujinaysa iyo riximkay ubadka ku qaadaysay sow maaha kuwo la dardaray oo meel daran loo wato oo sow maaha kuwo ka sii hoobinaya Soomaaliya haadaantay ku dhacday?
Dhanka kale, ragga miciinka biday nacabyadii Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa oo waligood ku taamayay bi’inta iyo burburinta danaha Soomaaliyeed oo hubkooda iyo ciidammadooda u soo kaashanaya weerarro lagu ballaarsho qeyrooyin danyara oo la dalleensan duruufahii arxan la’aaneed ee ay soo mareen oo ku baanaya dilka dad Soomaaliyeed sow iyana maaha shaqaale shisheeye oo aad u jaban oo u kiraysan duminta buulashii hooyooyinkood?
Kuwase ku hagoogtay magacii dawladnimada oo haddana ku mashquulsan jeebabkooda iyo sidii ay u buuxin lahaayeen iyadoo hortooda ay daadsan yihiin maydadkii da’yartii ahaan laheyd mustaqbalka ummadda sow maaha kuwo dulloobay oo ceebtooda laga daalacanaayo dunidoo idil? Kuwaan iyagoo gaabis u dhashay haddana leh: “Adigu ahaan maysid ee anaa ahaanaya” sow maaha ma-danqadayaal waa hore damiirkii ka guray?
Waxaa hubaal ah ina falalka kooxahaasi ay yihiin kuwo dhammaantood xikamaddu ka maran tahay oo aan laheyn yoolal la higsan karo. Waxay dhammaantood yihiin kuwo u adeegaya dano dad kale. Dhinicii raba inuu dalkiisa wanaag ku soo dabbaalo waa inuu marka hore asagu yahay mid wanaagsan. Waxaa wanaagga cabbir u ah waxtarka uu u leeyahay noolaha; haddii uu falku tusaale ahaan qallajinaayo geed qoyan ama goynayo naf lama oran karo waa falsan. Waxay tahay sida suubban ee maanta laga rabo dhinacii waxsan la raba dalkiisa inuu naftiisa iyo hantidiisaba u huro badbaadada dalkii haadaanta lagu riday ee maaha inuu jaakada u tosho una tartamo siduu magaca ciidda wax ugu tabcan lahaa, oggolaadana in la xasuuqo dadkiisa isla markaasna dhegaha noogu shubo inuu dalka wax u qabanayo.
Eebbaha sarreeyaa markuu ifka na keenay wuxuu noo gartay inaan xor noqonno waana waxa ugu qaalisan oo uu na siiyay. Waxaa loo gartay ruuxa inuu ka quuto xikmadaha rabbaaniga ee uunka waxaana la siiyay awoodda kaladoorashaa waddooyinka. Aadanaha la faray hanuuninta dadkana waxaa laga hubeeyay kaliya dhambaallo wax toosinaya. Sidoo kale fikradihii wax-ku-oolka noqday ee wanaaggooda la maalay laguna intifaacay ma wadan awood muruq ee waxay ahaayeen dhambaallo samaan quluubta dadka ku shuba. Haddaba sow maaha dhakafaar,  inaan geyigeenna maanta ku aragno kooxo dadka ku dirqinaya inay aragtidooda qaataan oo qori caaraddi ku leh “xoog ku qaata”? Sow ma oga maanyartaasi inaan qalbiga qofka la qasbi karin oo uusan hubka ugu culus ee dunidu wax ka beddeli karin?
Waxaa habboon in miyirka Soomaaliyeed soo noqdo midaan hubeysnayn iyo mid hubeysanba. Waa in la qaayibaa xeerar lagu wada noolaan karo iyadoo aragtiyaha iyo fikradahu kale duwan yihiin. Sidaasi waa sida dadyowga adduunka aan la joogno ay ku dhaqmaane. Waxaa habboon inaan garanno inaan laynta aan ku faraxsannahay ee walaalkeen jaaduu yahayba ay tahay hooggeenna iyo aayo xumadeenna. Waxay tahay in xabbadda la joojiyo oo wadatashi iyo garawshiiyo la baadigoobo. Macangagnimada, koox-tooxsiga, islaqummanaanta iyo foodsaarka diinta ama dawladnimada ay daacadnimadu ka maran tahay waa xujooyin fogeynaya isafgaradka iyo maslaxada guud. Dalka waa la wada leeyahay, diintana waa la wada rumeysan yahay, gaboodfal mooyee ma jiro dhinac kaligiis loo garawsan yahay inuu siduu doono u adeegsado iyaga.
Maansadaan hoose oo soo baxday dhawaan waxay yu’anaysaa dhinac kastoo dhinac Soomaaliyeed xabbad ku wada.

Goortuu hurddada diida ee, galowgu eedaamo
Guumeysku saadaal xun buu, gocasho reemaaye
Guuldarriyo hoog buu sidaa, lagu gumaadmaaye
Anna waxaan goor iyo ayaan, qoris ku gaarnaado
Oo maanka soo gororiyoo, gole ka sheegaaba
Waa gaadahaan soo mariyo, gugayga oo weyne
Gabaggabo colaadeed hadduu, gumucu oomaaro
Hadduu qiiqu guulaamo oo, goobta wada saaqo
Go’ayayey hadday yeerto oo, dhiiggu galacleeyo
Oo wiilal gaaniyo la waro, gocorro loo booyo
Oo meydka meeshaas gigtiran, gocondho aad moodo
Hooyadii la gaasiray hadday, giida dayn weydo
Oo gaariyaashii la qabay, galayax loo saaro
Oo agoontu gaalaabaxdoo, ciil la golaslayso
Gembiga iyo dhibkaas dhacay oo, labada geesooda
Oo goosankii labo bahood, gamasku qaareeyay
Gabbal baa u dhacay reerahaas, lagu gamaarmaaye
Geerida walaalkii ninkii, gacan u qaadaaya
Gablan buu kala kulmaa iyo, gacal la waayaaye
Gacamihiisa eeduhu ragguu,  ganayayo muu daysto
Oo muu gadaal uga hakado, Gedo dagaalkeeda….

Erayada:

  1. Galow: Shinbir cod gaara leh; fiin, dhabad.
  2. Guumeys: shinbir habeynkii ugaarsada; halkaan waxaa loo jeedaa foolxun oo wax xun saadsha.
  3. Gabaggabo: meel, dad ama xoolo col xoog ku qabsaday oo dul fadhiyo.
  4. Gumuc: waa qeybta yar ee xabbadda afka uga jirta oo wax disha.
  5. Oomaar: waa uumiga ka baxa biyaha ama qoyaanka; halkaan qiiq.
  6. Guulaamo: daruuro, daad iyo xiis badeed uuro leh oo isdhexqaada; halkaan qiiqa isdhexqaadaya
  7. Gaan: xoog leh, dihin oo awood ku kaydsan tahay.
  8. Gocor:  la han weynaa; nin-horaad; halkaan waxtarkii Soomaaliyeed
  9. Gigtiran: la togay
  10. Gocondho: jaad ka mid ah qodaxda oo dhulka daadsan
  11. Gaasir: la dhimay; la naaqusiyay
  12. Galayax: caddaan; halkaan asayda cad
  13. Golasleyn: dhib iyo rafaad la qooxmid; golongol
  14. Gaalaabax: hor iyo gadaal u socosho.
  15. Goosan: dad isxiga oo isku dan ah lehna xeer gaar ah.
  16. Gamaar: sii baaba’; baaba’ oo sii bata.
  17. Gamas: warmaha jaad ka mid ah; hooto dhego leh; halkaan hubkoo dhan
  18. Gablan: aan carruur dhaxasha laheyn ama aan ka tagin.

Cabdi Jaamac Aw-Aden

Abdiaden1957@yahoo.co

 





0 Comments


Be the first to comment!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>