QEYLODHAAN
Ku Soo Dhawaada Qeylodhaan
qeylodhaan


Maqaalo

October 26th, 2011

Xildhibaanimooy Xaal qaado!

Kooxda Qeylodhaan iyo Cabdi Shire

Qormadan waxaan ugu magac daray heesta kooxda qeyladhaan: “Xildhibaanimooy xaal qaado” , oo Anigu runtii aad uga helay gaar ahaan iyo guud ahaan heesaha kooxdan, maadama ay ku soo beegmeen xilli aad u xassaasi ah, waa kooxdii labaad oo nooceeda ah ee Soomaaliyeed ee samaysanta, sanado ka hor waxaan si fiican uga wada dharagnay heesaha baraarujinta kooxda caan baxday ee “Waayahacusub”, oo heeso wacyogalin ah dadka ku harqisay, xilli iyana loo baahnaa, maanta waxaan jeclaan lahaa inaan waxyar ka iraahdo heestaa iyo sida loola falgalay, ama wixii laga yiri.

Heesta hal ku dhaggeedu waa: “Xildhibaanimooy xaal qaado”, marka ay soo baxday waxaan u dhagaystay si fiican, Anigoo dhawr kol ku ceshtay, dhuuxayna erayada iyo ujeedka heesta, maalmo ka dib, ayaan dhagaystay waraysi laga qaaday Prof Dalxa, oo uu ku dhaliilayo kooxda iyo gaar ahaanba heestan, Anoo fajacsan oo leh war Prof-ka maxaa ku dhacay oo qaaday? Fudaydka intaa la eg kama filayne? Maadaama kooxdan ay tahay koox iskaa wax u qabso ku dhisan, cidna aan mushaarsiin, qolo gaar ah u heesin, kuna jirin xizbi siyaasaded, ka maansoodaan wixii taagan dabeedna ku codeeyaan.

 

Suaa’lahaa iyo kuwo kale markay madaxayga ku soo dheceen, oon leeyahay: Allalayle Prof-ku wax dhihid ayuu u baahan yahay, ayaan waxaan dul sitaagay farshaxanka weyn ee Amiin Caamir oo ka hadlaya heesta iyo kooxdaba, markaan dhagaystay hadalkiisii ayaan iri: “Afkaaga caano lagu qabay”, wixii niyaddayda ka guuxayey ayaad sheegay, sidaana xilkii iiga dhacay, dad badanoo ila midana ka ridday, markaa baan haddana xasuus galay oo dib milicsaday, mise waxaa ii muuqday muuqaal aysan niyaddaydu jeclaysan.

Haddana waxaan ku laabtay Prof-ka, oo aan su’aalo badan hordhigay, Anigoo leh war Prof ma ila xasuusataa kuraastii cascaseed ee Nairobi? Mise  waa hilmaantay, haddaad illowday waxaan ku leeyahay: “Alla Illowsha dhawaa ma umulaa?!”, maahmaah ahaan ayaan uga jeedaa, falka Adigu ma samayn, balse wadaaggu waa halmaamka!, Anigase prof waxay igu noqdeen laf dhuungashay iyo boog aan raysan, su’aalaha ayaan sii waday oon iri: ma waxaad na leedahay xildhibaannadu wa xalaalquutayaal? Ma sidaa ayaad naga dhaadhicin ood donaysaa inaan ku qanacno? Waa ii dhadhami waysay markaasaan iri: “maya Prof taa iska illow!, laga gudub xilligii dadku suux sanaayeen ee wixii la doono loo meerin jiray!”.

Hadalkii ayaan sii watay oon ku iri: waxaa noo joogaa kooxda qaylodhaan, Waayhacusub, qoroyaal iyo mareego u heellin had iyo jeer soo gudbinta xaqiiqada, ku dhibtayaa ama jeclaataye!, waxaan  ku iri: kolley waa kuu jeedaa inaad qoonsataye, awood aad wax uga qabato ma lihide, ma sidii Sheekh Shariif ayaad habaarrami doontaa? Habaar hadduu wax qabanayo Sheekhuu wax u tari lahaa, markaas baan ku iri: “waxaad ii sheegtaa tuducda ku gubtay eed isla hayn waysay?!” Inta uusan ii jawaabin ayaan ku iri: “Sida caadada ah hadal walba waxa uu leeyahay reebe ama saare, waxaan uga jeedaa khaas yeelaha hadalka saara wixii soo  dhexgali lahaa, mar waxay ka muuqataa hadalka marna waxay kuba jirtaa oraahda, marna waxaa lagu gartaa dareenka iyo garashada.

Jawaab waafiyase kama halin, sida uusan u siin wariyihii waraysanayayba, haddaa muxuu hadal aan qusayn u soo dhexgalay? Mise waa meeshii laga yiri: “ Meesha bugta iyo fartaa is og!”, oo wuxuu is leeyahay Adna waad soo galasyaa, hadduuba difaacay kuwaan arkay hubaal inuu soo galayo, ama Prof ha ahaado ma ayuusan ahaan!, waxaase la yaab leh Prof-ka aqoontiisii ma wuxuu ka doorbiday inuu ku difaaco wadaadxumayaal iyo qabqableyaal, xildhibaanno sheegta? “Alla Anaa iska ba’ay” waa wixii lagu barooran jiray!

Maya sidaa ma ahan ee Prof-ka waa lagu duxay, oo yaa ku duxay? Soomaalidaa tiraa: “Dariskaa kuma caddeeyo kumana madoobeeyo ee siduu yahuu kaa dhigaa!”, waxaa ku neefsaday calooshood u shaqaystayaasha iyo xaraan ku naaxayaasha, marka wuxuuba is tusay ninkii xildibaan dhaliila inuu Isaga dhaliilayo, Prof ujeedku sidaa ma ahan hadalkuna Adiga kuma quseeyo ee xasuusnoow, haddii kale waxba ha is qarin ee bannaanka isa soo dhig, waa la kala dambayn ma ahane wadadaa lagu wada joogaa!, saw ma aragtid Wadaadii diinta ee shalay maanta sida ay u dhaqmayaan?!

Hadday sheekadaa gaaban ee dareen maaxadka ah na dhex martay Aniga iyo Prof-ka, ayaa shalay lagu kala dareeray kal fadhigii baarlamaanka, markaasan iri: Ar Proofoow ma dhex joogtaa mise waa dhuumatay? Anoo raba inaan dareen siiyo in kooxda Qayladhaan ka saxneyd, oo Isagu bacaad cidla ah qoor sagaaro ku hayey, tagtadii dhacday 2004-tii iyadoo wali iga hari la’daday, ayaa waxaan daawaday muuqaal laga soo qaaday kulankii baarlamaanka, mise waa iyagii oon biyo ismarin, maba isbadalin oo waa sidoodii, ortii qayladii iyo qalalqabtii ayey wali wadaan, waxaad mooddaa xoolalay taagan suuqaxoolaha, oo ku guda jira gorgortan iyo iga dhin, feerka iyo tumburyadu waa astaan ma hartaa, haddii la kala dareeray maxay wali isku sii hayaan?.

Ugu dambayn waxaan dhihi lahaa Prof-ka, “waayuhu is badali maayaane yuusan hadal kaa tagin”, haddii kale waxaad marti u noqon doontaa barnaamijka taxane ah ee “labo Codleyn”, taasi handaad ma ahan ee waa tusaalayn, maadaama aysan habboonayn kala hadalka iyo isku dhexyaacu!, dhanka kale waxaan hambalyo iyo bogaadin dirayaa kooxda qaylodhaan, oon leeyahay hawsha halkaa ka sii wada, ha u jooginnina doc ka yeer iyo hadaaqe toona, waxaad qabanaysaan bulshada ayaa garanaysa qiimahooda, nin iska dhex arkay erayadiina ma garan karo!

Waxaan ku soo afmeerayaa qormada erayada heesta “Xildhibaanimooy xaal qaado”, haddii aan malaha qaar qaldo qaraalkeeda waa dhaga culays aaa ka cudur daaranayo, saxnimadeeda waan soo dhawaynayaa, heestiina waa tan, ee ka haqab beela.

 

Xildhibaanimooy xaal qaado
Xushmad baa lagaa doonayaa
Haddaad xildhibaan tahaye
Xeerkood ilaalisaa haboon
Iyo xumaha ood diiddo
Qaaraan xilkaba qaadi karin
Yaab baa la soo xulaye.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Xeebaha kuwii iibsadoo
Waliba xuurstaysan
Ayaa xilka gaar naga hayoo
xeerna kuu qabane
Dadka Kuwii xasuuqaa ku jira
Kuwii xumaan dhigaye
Xabaddoo dhacaysay rabaan
Xoolo booliyehe.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Amisom bay xayndaab ugu jiraan
Xerayodoo oodan
Xabbaduhu waxay dilaan
Maalintii maato xoog darane
Xinjiraha shacabkay daadiyaan
Kuna xashaashaane
Xaafad quray kuwada nool yihiin
Xamartii weyneyde.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Xafafka nabarada qarsoon
Xanafta noo laaban
Xaalufka iyagaa noogu wacan
Xiisadaha taagan
Xaquuqul Adankay jabshaan
Xeer ma dhawraane
Xurmo malaha ruuxii dad yahaw
Xaaraan ku naaxaaye.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Illaa ay laaluush xaabsadaan
Xukun ma gooyaane
Xarbigu inuu sii socday daanayaan
Tan iyo xiixaaye
Xaqir bay naga dhigahayaan
Annagoo dawlad xoog badana.

Baarlamaan xoraan doonaynaa
Xiisa loo qabaan doonaynaa
Xaq inaad leedihiin dadweynow
Xukunku ha ogaado
Xaafadaha ka soo wada boxoo
Sheegta xubintiinna
Oo xamaasada kacshoo
Xiisa ololeeya
Ilaa aad xaqiinnii heshaan
Yaan la xagaldaacin.

Xildhibaanimoow xaal qaado.

 

Dhammaad.

 

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com





0 Comments


Be the first to comment!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>