Kooxda Qaylo-dhaan ayaa todobaadkan ku soo bandhigay magaalada Nairobi hees cusub oo layiraahdo (Dhagaxtuur) heesta oo xambaarsan murti baaxad leh ayaa waxaa alifay Abwaanka Soomaaliyeed oo kamid ah kooxda Qaylo-dhaan Abwaan AD.
Lyrics-ka heesta:
Dhakafaarka aduunka Dhacdadaan nala fiirsha Kuwii dhiiga cabaayay dayarteeni dhameeyay Dhulkeenii kala gooyay. Toban dheehna uyeelay gumeystuhu uu ku dhaarto Shaxda seey udhaceeyso dib inay udhismaan baa Shirarka loodhigayaa Siyaasadiinan dhibta'ah Villa-da dhaafin dhexdeeda Dadwaynihii ku dhamaaye Dhamaantiinba na dhaafa ** war horaan u dhamaynay waana waanu ku dhoobnay dhagahay ka xidheen warka aynu dhahayno Hadii ay dhakhso yeelin Dhiilo weeye colaadeed dhimashaa sidan dhaanta baarlamaanka hor dhoobta dhagax tuuradku waa ilaa ay ka dhacaan Siyaasadiinan dhibta'ah Villa-da dhaafin dhexdeeda Dadwaynihii ku dhamaaye Dhamaantiinba na dhaafa **** Qoxootibaanu ku dhamaanay Ilmihii dhaqan-guuray Afkoodii ka dhaqaaqay Dhinac loo dhigi maayo Suwaalka ka dhacaaya Dhagahayba birteenbee Waxa keenay dhibtaa Danaheenii dha-dhaamay Dawlad aan dhab ahayne Shacabkoow dhiso taada Siyaasadiinan dhibta'ah Villa-da dhaafin dhexdeeda Dadwaynihii ku dhamaaye Dhamaantiinba na dhaafa ** Dhimanayoo ma noollin Shacabkeenii dhamaaye' Dunidiina na dhaaftay Ruwaayada ay dhigayeeniyo dhagarti socon wayday Dhimashaa na hortaalla Aan dhamaansho lahayn Wakhtigoogii dhamaayay Augosto yayna nala dhaafin Dhagaxtuuradu waa Siyaasadiinan dhibta'ah Villa-da dhaafin dhexdeeda Dadwaynihii ku dhamaaye Dhamaantiinba na dhaafa




ABWAAAN SALAAN SARE WAAD KU MAHADSAN TAHIIN HEESTAAN OO VIDEO AH AMA MUUQAAL AHA AYAAA SHACABKA AYAA SHACABKU KAA SUGAYAA ABWAAN
Abwaan (( AD)) Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay, haddeey wax garanayaan ha isaga tageen meesha Shacabka isagaa howlihiisa Dad u daneeya una daneeya raadsanaayee,,,,
Thanks again…..