Waa hees cusub oo magaceeda la yiraahdo Dilal la qorsheeyay. Waa erayadii AD, iskudubaridkii Kabiirka kooxda Qaylodhaan, Cabdi Shire Jaamac. Heestaan waa hees ay kooxdu uga turjumeyso dareenka shacabka, geeridii naxdinta laheyd ee wariye Cabdiasiis Sheikh Xasan Xiis. Geeridaas oo taabatay Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Kooxdu waxey tacsi tiiraanya leh u direysaa Qoysaskii, eheladii, asxaabtii iyo Horn Cable Tv. Kooxda Qaylodhaan waxey amaan iyo bogaadin u direysaa tvga Horn Cable oo geerida marxuumka ka dhigay tacsi qaran, waana mid aanaan waligeen iloobeyn. Heestaan oo coda waxaan soo saari doonaa maalmaha soo socda.
Mahadsanidin.
QUBARADII DALKEENAA
QUDHA LAGA JARAAYOO
UGAAS QIIMO BADAN BAA
QAFLAD LAGU DILAAYOO
KUWII QUBAYAY DHIIGEE
CULIMADII QURGOOYAA
WALI NALA QABIILOO
QUUD LALA WADAAGAA
HOORIS/KOORAS:
CABDISALAAN QOFKII DILAY
HADDII AAN LA SOO QABAN
OON QASAASNA LAGU FULIN
QUUS NOOMA LAABNOO
QARAN JABAY AYAAN NAHAY
BAYDKA LABAAD:
2. QADDAR DIIDIMEYNOO
QURAANKAA NA FARAYOO
QOFBA MAALINTIISAA
QAADIR OOFSANAAYAA
WAX LA QAADAN KARIN BAA
SHACABKII QABSADAYOO
DIL LA SOO QORSHEEYAA
DALKA LOOGA QAXAYAA
HOORIS/KOORAS:
CABDISALAAN QOFKII DILAY
HADDII AAN LA SOO QABAN
OON QASAASNA LAGU FULIN
QUUS NOOMA LAABNOO
QARAN JABAY AYAAN NAHAY
BAYDKA 3AAD:
3-DADKII WAABA QUUSTOO
QABKIIBAA KA LUMAYOO
IYAGOO LA QALAYEY
HADANA AY QOSLAAYAAN
NIN QURAA BAKAARAHA
ARDAY QALIN MADOW IYO
QOYSAS BADAN KU MARIYOO
QOFNA UUNA EEGEYN
HOORIS/KOORAS:
CABDISALAAN QOFKII DILAY
HADDII AAN LA SOO QABAN
OON QASAASNA LAGU FULIN
QUUS NOOMA LAABNOO
QARAN JABAY AYAAN NAHAY




maasha allaaha caadi mahan xaqiiqdii waaa kooxda aan ugu yeero aniga wadaniga qaaliga ah oo aan ugu yeero ma daaalsha wadanigaaa
ma sha alaah qaylodhan aad ayaa u mahadsantahiin runtii kooxda kaliya oo cudka shacbiga ku hadasho ayaa tahiin aloow idindaa
Heestaan aad ayay u wanaagsantahay, Qaylodhaan waxaan ku jeclaaday waxay ka jawaabaan dareenkayga gaarka ah. Waxaana aan u arkaa qaylodhaan waa naadiga umadda ee qarnigaan.
talo: waxaan jeclaan lahaa in calaamadda haddii ay suurtagal tahay (caalamadda websuteka ) Naagta in ama xoogaa la qurxiyo ama la badalo, sababtoo ah aragtidayda ma jeclaysan muuqaalkaas. aad ayaan idiin salamaaya qaylodhaan gaadh ahaan Cabdi shire jooqle shire and xuseen shire.