QEYLODHAAN
Ku Soo Dhawaada Qeylodhaan
qeylodhaan


Maqaalo

January 23rd, 2012

Gulufka xildhibaannada gaatinta Shariif Xasan iyo gaabiska dunida

15750

Shaki kuma jiro in hardan adagi sodo, caddayn uma baahna in maadaxa la iskula jiro, waa marag ma doonto in la ismari la’yahay, haddana markaad eegto sida wax u dhacayaan, kulamada isdaba joogga ah iyo kooxaysiga karaar qaatay, hubaal inay wax soo higleeyihiin, maalmaha foodda nagu soo haya ee sanadka cusub ugu horreeya, waxay noqon doonaan maalmo kala bax, micnaha maalmo go’aamin doona sida sanadkaa xaalka Soomaaliya uu ku sugnaan doono.

Sidii xilka looga qaaday Shariif Xasan 13-kii bishii dicembre, waxaa soo badanaya cododka xildhibaannada haldheerida u dhahaya “Dooni maynno Shariif”, runtii dhawaq ku cusub dhagaha Soomaalida, dadka qaar ayaa dhakfaar ka qaaday, qaarna dheeldheel iyo riwaayad maalmeed ayeyba la tahay, balse hubaal in 13-kii december wax ka badashay cududda siyaasadeed ee ka jirta Xamar, ama xoogsatada haysay xilalka ugu sarreeya ee dawladda damman.

Waa markii labaad ee xilka guddoonka baarlamaanka laga qaadayo, maahmaah ayaa oranaysa: “mar i Dagi Allaha Dago, mar labaad i Dagase Anaa is Dagay”, tii hore haddii khilaaf iyo muran kala dhexeeyey C/laahi Yuusuf, maanta nacayb kama marna ayaa la dhihi karaa, ha ahaato dadweynaha caadiga ah iyo xildhibaannadaba, haddana wuu garan waayey wax wanaaji ama meesha isaga tag, tunka ayaase la qabtay, oo la tatajiyey.

Markii xilka laga qaaday ee uu wadanka dib ugu soo laabtay, wuxuu ku gacan sayray in xilka laga qaaday, siduu markii horaba isugu dhajiyey ayuu haddana isugu nabay, kuma ekaysan ee wuxuu ka qaybgalay shirkii Garoowe, isagoo waliba huwan magaca gudoomiyaha baarlamaanka, shirkaa oo aan ka qoray faalladii ahayd: “Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan”, haddaba ma sharcibaa nin guddoonkiisa muran ku jiro inuu shirka ka qaybgalo?

Inta aan jawaabta u dhaadhicin, aan soo gudbiyo arrin kale oo la is dhihi karo waxay la mid tahay midda Shariif Xasan, waa xil ka qaadista mudane Caalin ee Galmudug, hubaal in xilka laga qaaday Caalin, waliba laba kol oo is xiga muddo gaaban, basle Maxkamadda sare ayaa xukmisay inuu xilka sii hayo, dabcan si aysan u dhicin bannaan siyaasadeed, taa oo muhim u ah jiritaanka maamulka iyo maaraynta gobolka.

Tan Sharif Sakiin waa ka duwan tahay midda Caalin, Shariif Sakiin wuxuu isku darsaday laba arrin oo kala ah:diidmo inuu u hoggaansamo xil ka qaadista, iyo inuu afduub ama xoog ku haysto xilka, waliba ku metalo shirar xasaasi ah, oo looga arrinsanayo aayaha umadda Soomaali, halka Caalin uusan ka biya diidin go’aankii xilka looga qaaday, ama ugu yaraan midka Maxkamadda sare, uuna xilka u siiyo hayo ku sime, inta laga baxayo marxaladda kala guurka ah.

Dhanka kale, hadduu ka dhaga furatstay baaqyadii xidhibaannadu u jeedinayeen, maxay tallaabo ah oo ay qaadeen? Dhankooda waxay sii wateen kulammo lagu sii lafa gurayo xal u helidda guddoonka baarlamaanka, waxay isku raaceen guddmiye sii haga fadhiyada baarlamaanka, inta laga dooranayo guddoon cusub, feer iyo faralaab ayaaba ka dhacay, ujeedku ahaa in qas iyo qalalaase laga abuuro kulanka, si aan waxba u qabsoomin, balse sidaa ma noqon, hadduu dhiig daatay ayeyse quusteen.

xubnihii xilka ka qaaday Shariif Sakiin, waxay la kulmeed guddi ka socday dunida oo uu mugdi uga jiray sida wax u dheceen, waxay u qeexen in xil ka qaadistu u dhacday si xalaal ah, waxay farta ka saareen cajal video ah oo laga duubay kulankii xil ka qadista, (waa meesha farta lagu godayo inay sababtay dilkii “Xiis”), maadama shaki la galiyey tirada ka soo qaybgashay, sida wax u dheceen iyo qaabka loo codeeyey.

Kulankaa ka dib, waxaa la soo saaray war murtiyeed aan naf buuran lahayn, warsafadeed lagu sheegay in beesha caalamku ka soo saartay Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Xildhibaanadu waa inay raacaan waqti kordhinta baalmaanka”, oo ah in wax walba sidii hore ahaadaan, si loo ilaalsho xaaladda adag ee wadanku marayo, lana hirgaliyo shirkii Kampala, meeshana ha ka saarin in meelmariyo roadmaop-ka, Dadkayguse mid ha ogaado, wareerkan taagan iyo walaahoodkan dhacaya, waxaa ka dambeeya dunida, oo hadba mid waalan madaxa noogu soo duubaya.

Hadalka biya dhiciisu waa Shariif Sakiin meeshiisa ha loo daayo, micnaha waxba kama jiraan go’aankii ay gaareen 300 oo xildhibaan, taa oo ka dhigaysa inay ahaayeen rag waalan, ee ha la qaato ninka fayow warkiisa waa Shariif Sakiin, yaabka ma ila aragteen? Waa meeshii laga yiri: “Wadar iyo Waaxid yaa waalan?”, ama ninkii yaabay ka yiri: “Hasho maankayga qaadde ma Masaarbay liqday?!”, waxay noqotaba, waa ha loo afduubnaado ninkan aan waxna qorin waxna aqrin, kaligii ma ahan tilmaamtaa waaba nagu badan yihiin.

Warkaa uma cuntamin raggii xilka ka qaaday Shariif Sakiin, waxay sii wateen kulamadoodii, xildhibaannadu waxay isku dhaarsadeen in  horo loo sii wado hawsha, si loo fuliyo qorshihii lagu heshiiyey, (Muxuuse yahay? Cidna garan mayso), lana hirgaliyo waxa ay ku sheegeen roadmap-ka, waa sida ay hadalka u dhigeen, malaha waxay ku beerlaxawsanayaan Mahiga IGAD iyo beesha caalamka, ma yaan lagaa galgal badinbaa? Mise yaan lagaa galliin badin? Miday noqotaba, sillaanta ayaa loo tartamayaa.

Waxaa Garoowe laga iclaamiyey inaan golaha Shacabka lagu shiri karin, sidaa waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha, malaha dhagta ayaa wax loogu sheegay, yaab, dad dhahaya xilkeenna ayaan gudanaynnaa oo la leeyahay ma gudan kartaan, idinku ma aragteen? Haddana hor istaagga caynkaa ahi ka imaanayo masuulka igu sarreeya wasaaradda arimaha gudaha, waa taxaddigii labaad ee ka hor yimid xubnihii xilka ka qaaday Shariif Sakiin, marka laga soo tago fawdadii feerka, iyana gaashaanka ayey u daruureen.

Waaba iga su’aale raggu xaniyahan xaggay ka heleen? Mayee ragannimadan yaa ugu deeqay? Mise wax gaar ah ayey ogyihiin? Malaha heesihii Qaylodhaan ayaa qiiro galiyey? Oo boorka ayey iska jafayaan, arki doonnee meesha ay wax gaarsiin, balse waxay u muuqdaan rag dhiirran una caddahay inay yool gaaran, oo ah in arintu ku dhammaato sida ay iyagu u qoondeeyeen, dabcan ayna leeyihiin sharciga ayey waafaqsan tahay.

Su’aasha weyn ee meesha taallaa waxay tahay: dastuurka iyo xeerhoosadka baarlamaanku maxay ka qabaan xil ka qaadista Shariif Xasan? Qareennada iyo sharci yaqaannadu waxay hoosta a xarriiqeen in habka wax u dheceen sharciga waafaqsan tahay, midna waa iny dadkaygu fahmaan, tiradii dooratay Shariif Sakiin waxay ahayd 217,  waxaana xilka ka qaaday 280 mudane, ila eeg farqiga tirada, haddaa madax adkaa muxuu meesha igu dhajinayaa?

Sidii labada Shariif Kampala Accord ay isula meel dhigeen inay xilalka kororsadaan, ayaa madaxweyne Shariif billaabay inuu u kala dabqaado Shariif Sakiin iyo Xildhibaannada kale, laba kulan ayaa lagu kala dareeray oo aan waxba ka soo bixin, maadaama madaweyne Shariif ku adkaystay in wadaygiis Shariif Sakiin xilka loo daayo, ayna xildhibaannadu ka tanaasulaan mawqifkooda ku aaddan xil ka qaadista Shariif Sakiin, taa oo dhankooda Xildhibaannadu gaashaankaa u daruureen.

Sida ay ku soo heshiiyeen sadaxdii nin ee ku kulantay Garoowe, waa in baarlamaanka la kala diraa, si taa loo fuliyo waxaa xilkeeda dusaha u ritay Shariif Sakiin, oo xildhibaannada ku wargaliyey inay beelahooda ku laabtaan, oo soo weydiistaan kalsooni, kala diritaanka caynkan ah wax ma idin soo xusuuninayaa, Cumar Cartan Qaalib ayaa markii jabhaduhu soo galeen Muqdisho, oo Odagii Siyaad ahaa laga saaray, ku wargliyey ciidankii qalabka siday in askari walbaa ku biiro beelshiisa, dhib miyaaba nooga horreeyey.

Haddaan ku laabto dhanka dunida, wali warkoodu ma cadda, marka laga reebo hadal laga soo xigtay mudane Ilka Dahab, oo sheegay in Midawga Afrika soo gaarsiiyeen xildhibaannada waraaq aqoonsi ah, taasoo macnaheedu noqon karo in Shariif Sakiin godkiisa biya ugu soo galeen, hadalkaa Ilka Dahab ma ahane wax kale oo caddayn ah lama hayo.

Dhanka kale Shariif Sakiin wuxuu ka Soomay hadalkii, siduu u ugu soo laabtay Xamar mar qura ayuu hadlday, hadalka kaliya kama Soomine xitaa dhaqdhaaq lagama hayo, inuu isaga wado iyo inay ragga taabasan wadaan waa isku mide labadaba lagama hayo, oo waxaad mooddaa in Sharif Sakiin indhiisa wax ku arkay ama dhagahiisa wax ku maqlay, micnaha quus taagan yahay, oo waaba su’aale markii hore miyey labadaa dareen ka maqnaayeen? Hadda ayuuba ka soo laabtay shir uu wax ka guddoominayey ee sidee wax yihiin? Xaggee xaajadu iska qaban la’dahay?.

Haddaba Shariif sakiin maxaa la gudboon? Hubaal inay jawaabtu iska caddahay, inuu xilka iska wareejiyo, waa midoo awalba rabitaan Shacab kuma joogin, kumana imaan, waa midda labaade, haddana waxaaba ku kacay kuwuu sandareerta siin jiray, oo  shalay u codeyey, mashaariicdiisa gurracanna fulin jiray, waaba iga su’aale: shalay markay nagu shiilayeen dhibaatada ma maankooda ayaa maqnaa? Mise shilinkii ayaan la siin maalmahaan?.

Nimankan Shariif Sakiin shiilay, kollay taageero ayey meel ka haystaan, balse ma cadda, waa hubaal inaan sharci lagu kala baxayn, mardhaw suuqyada ka eeg sicirka ay xildhibaannadu joogo? Maadaama hadda labada Shariif isla safan yihiin oo hal mawqif wada wataan, sayladda xildhibaannadu waa furan tahay, gorgortankuna waa billowday, waxaan arki donna ninkii beesa badnaada, waxaan maqli jiray: “Ninkii Raayaa Reerka u haraa”, hadda waa: “ninkii beesa bataa beesha u haraa”.

Ugu dambayn, gulufkan xooggan ee ay ku jiraan xubnaha baarlamaanku, ma noqon doonaa mid miradhaliya? Ma gaari doonaan ujeedka ay tiigsanayaan? Ma sii jiri doontaa isku duubnidan ilaa iminka jirta? Ma sii socon doonaa haladayggan carrabku ku dhagga leh? Mise marka maalmo ay qaylqaliyaan ayey daaqadda dhanka kale ka joogsan doonaan? Waxay tahay waan u joognaa.

Dhanka kale, gaatinta Shariif sakiin iyo aamuskiisan intuu si jiri doonaa? Xarako la’aanta ku dhacady xertiisa intay sii xagal laabnan kartaa? Waxaa la yiri: “Wan weyn ilaa la gawroco indhiisu kor ma arkaan”, armuu Shariif Sakiin heerkaa marayaa, dhanka dunida wax war ah lagama hayo, aan ka ahayn inay taageero u muujiyeen Shariif Sakiin, in kastoo Ilka Dahabna leeyahay aqoonsi ayaan ka helnay, waxaa kala saaraya maalmaha soo socda.

 

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com





0 Comments


Be the first to comment!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>