QEYLODHAAN
Ku Soo Dhawaada Qeylodhaan
qeylodhaan


Maqaalo

January 23rd, 2012

Doqon diran iyo daacad dabran!

15750

Adduunyooy nin ku doona ku waa” ayey dadku ku halqabsadaan, markay arkaan qof damaciisu dhaafsiisan yahay waxa uu mudan yahay ama hortiisa yaal, “Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay!, murti ayaa na daalicin, mid caruureedna waxay leedahay: “Aabow ninka yar iga celi ninka weyn ayaan iska celinayaa!”, mid kale waxay ahahyd: “…. …… Muuse waa kaa!”, odayadii garta loo keenay, markay bixin waayeen ayey yiraahdeen: “Odayaal ha loo badiyo”, wiil yar oo fiinta geedka ay ku shirayeen saarnaa ayaa ku yiri: “Odayaal ha dhihininee waxgarad ha loo badiyo dhaha!”, illeen qof ka da’ weyn oo ka maqnaa ma jirin.

Doodda siyaasadeed ee dalka ka taagan waa sii durugaysaa, dabar iyo dabaqabad la’aan gaartay, la garan la’ yahay meesha wax ku gurmayaan, muran iyo khilaaf ayey awal sheekadu ahayd, hadda waa laba gudoomiye baarlamaan, laba madaxweynana mardhaw filo, laba xukuumadna waa ku xigtaa, xaalad cakiran, caabuq sii xumaanaya, cillado xalay dhalay ah iyo xammaasaddii na cuuryaamisay, waa: “Ceelna uma qodna cidna uma maqnadii, la sheegi jiray, mardhow filo qormada: “Isma dhaanto iyo dhasheed!

Ismaandhaaf waa abuur aadanaha beeran, waa adduunka astaan uu ku udban yahay, balse miyaad aragteen ummad dhan oo is afgaran la’? Miyaad aragteen ummad dhan oo is fahmi la’? miyaad aragteen ummad dhan oo khilaaf u taagan? Miyaad aragteen ummad dhan oo asaraar u alalaasaya? Miyaad aragteen ummad dhan oo aargoosi u ulo weyn? Miyaad aragteen ummad awooddeeda dumin kaliya u adeegsanaysa? Miyaad… Miyaad… Miyaad …. Miyaad…

Aan u dhaadhoco dulucda qormada, Jookarka siyaasadda sanadihii u dambeeyey Shariif Xasan, ayaa waxaa soo food saaray saami la’aan, ka dib markuu is yiri saaxadu waa kuu sallaxan tahay, sababta waa Kampala Accord, oo uu isa siiyey guddoonka baarlamaanka ilaa laga gaarayo august 2012-ka, ragguu shalay shilimaadka ku shubi jiray ayuu is yiri waad ka kaaftoontay, ee shaxaad dambe ha bixin, waase laga hoos kacay, rag yaryaraysi ma galo!

Haddii foodda la isdaray, xilka ayaa laga qaaday, ma xishoon mana sarriingan, ee wuu is xijiyey iskuna suntay xilka, iyana ma xeeladayn mana xeerin, ee xabadka ayey gacanta ka galiyeen, haddi feer iyo faralaab, kuraas wiifaysa iyo tumburyo la isu adeegsanayana meesha kama maqna, xukun iyo xeer midna lama dhawrin, ethics akhlaakh iyo nashax midna lama dhugan, magac muunad iyo sharaf midna lama tixgalin, waa ha yaacdo iyo maadigaa yiri.

La yaabku waa markii ra’iisul wasaaruhu booqosha xabashiyeed ku tagay Beledweyn, saacado hadday xabashidu u xogwarrameen, dabcan meeshana ha ka saarin maamulka Dooxada Hiiraan, ayuu Muqdisho ku soo laabtay, Waraysi uu BBC-da siiyey ayuu ku dafiray inay wax maamul ah ka jiraan Beledweyn, isla waraysiga ayuu kala hadlay, mar wuxuu leeyahay way na soo dhaweeyeen, marna wuxuu dafirayaa in maamul jiro, isuma kay qaban.

Midda la yaabka ah ayaa waxay tahay, markuu yiri: si maamul goboleed loo dhisaa waa in la helaa ugu yaraan laba gobol, waa mide Puntland markii la aasaasayey miyey ahayd laba gobol? Illeen marka Bari laga reebo inta kale waa la wada degaaye, kaba dhig, ee Galmudug ma laba gobolbaa? Iyadoo sidaa ah ayeyba ka qaybgashay shir aayaha Soomaali looga arrin sanayey, ma garan “Adiga waxba ma tihid”, oo haddaa qiimaynta maamullada ma Gaas ayaa loo xilsaaray?.

Taas siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, gaar ahaan waxaa ka hadlay mudanayaal ka soo jeedo Hiiraan, oo yiri faraha kala bax arimaha gobolka, waaba su’aale, Gaas gurracnaantiisa meeshii maamul ka jiro markuu sii adkayn lahaa, sii habayn lahaa, sii hormarin lahaa, ayuu isagiiba inkiray jiritaankiisa, malaha waa dumiye, iima bixin waxa ujeedka hadalkiisu ahaa, wuxuuse ahaa midaan siyaasi ku hadlin, ninkii saacado ka hor ku marti sooray, inaad seef madaxa uga sartaa kaama mudna.

Intaa kuma ekaysan, ee wuxuu si cad u diiday guddoonka baarlamaanku doorteen, isagoo sheegay inuusan aqoon sanayn, la yaab kale, oo isaga maxaa ka galay baarlamaan is dooranaya? Maxaa ka quseeya waxa ka dhacaya gudaha golaha shacabka? Yaa u xilsaaray inuu aqoonsado guddoonka baarlamaanka? Isaga maxaa uga xiran hadday golaha shacabka ka dhigaan goob lagu caweeyo? Xisaabtan ayaa sugaya, ee  maa qof walbaa ku ekaado xilkiisa, waajibaadka lagu sugayo ayuusanba dhammayn karine.

Isaga laba mid ayaa la gudboonayd, inuu yiraa waa ka xumahay, hawshiisana sii wato, ama is raaciyo waa ka xumahay iyo iscasilaad, isagoo ku cilladanaysa inuusan la shaqayn karin doqontaa, labadiiba midna ma samayn ee waa tannaagooday, dabcan waa garashadiisa gurracan malaha doqonnimo kama marna iyana, illeen meelaan ku qaadin haddaad isku qaado, ceeb is huri maysaane, mase dhicin, “Maroodigu Takarta isaga saaran ma arkee kan kale midda saaran ayuu arkaa”.

Waxaa la yiri: “Gaajo guri og iyo gardarro garab og midna lagama guulaysto”, hadduu Gaas is yiri, shirkii Garoowe ayaa hirgalaya, meel hoose ayuu wax ka eegay, ama damac aan jirin ayuu isgaliyey, maxaa yeelay sida wax ku socdaan uma eka sidii shirka laga sheegay, horaanse u sii odorosay, qormo cinwaankeedu ahaa: “Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan”, maahmaah kale waxay leedahay: “waayuhu isbadali maayaane, yuusan hadal kaa tagin”, saw kuma habboona Gaas inuu wax iskula haro!

Inta iyadoo lala yaabban yahay, ayaa waxaa la iclaanshay shirkii Djibuoti, waxaa wada tagay laba guddi, oo ka kala soday baarlamaanka, kalana matalayey guddoonnada kala haga, mid walbaa wuxuu dirsaday ku xigeen, malaha wuxuu isu  diiday isjiijiidka iyo bahdilka meesha ka dhici doono inuusan isku suntin, in qaska dunidu waddu waxaad ku ogaan, inay labada wafdi wada casuumeen, saw sax ma ahayn inay dhahaan isa soo xalliya, kursiguna uu sii bannaanaado! khilaafkan waxaan ku sii saadaaliyey qormada magaceedu ahaa: “Loollan ligan iyo libin laalan!”.

Miyaan dugaashannaa hadallada: Salaad Cali Jeelle, Gacmadheere, Ilka Dahab, Xasharo, Muusi Suudi IWM, waa qabqablayaal dagaal iyo maafiyo siyaasadeed, magac iyo sumcad bulshada aan ku dhex lehayn, balse dadkaygu ciduu maqlaba wuxuu moodayaa Mahdigii dhibaatada ka saari lahaa, malaha dhibka raagay awgeegiis, maya waa caadifadda laablakaca xamaasadda iyo xis la’aanta, isma weydiiyaan wixii dhacay, waxa taagan iyo waxa la tiigsanayo!

Si loo xalliyo muranka xulidda xubnaha baarlamaanka, talo wax ku ool ah ayaan hayaa, oo asalkeedu ka soo maaxday maankayga, yaan la hoosaasin ee bal ila dhuuxa aragtida, kala dirid maalin walba kuma jiri karno, kowna lagama soo billaabi karo, kuwa jooga cidna ma soo dooran, oo kalsooni beeleed iyo mid shacab midna ma haystaan, kuwa iman doonana la mid, yaa beeso leh xaalku ka dhammaamaayo, sidaa darteed waxaan ku talin lahaa, in kuwan laga soo dhex xulo xubnaha iman doona, sidee loo xulayaa?

Tirada la doonayaa waa 225, si loo helaa aad ayey u sahlan tahay, waxaa la wargalinayaa kuwa dibadda ku maqan, loona seegayaa in xulasho la samaynayo, shanta beel ama aan dhehee beel iyo barta hadda jirta, maalinba beel ayaa la tartansiinayaa xubnaheeda, tirada ay beel walbaa hadda leedahay waxay ku dhawdhaw dahay 122, waxaa la samaynayaa 122 waraaqo, waxaa la nambarinayaa 45 waraaq, inta kale caddaan kooda ayaa loo dhaafayaa, sidaa ayuu nin walbaa ku tijaabinayaa hoodo iyo nasiib wuxuu leeyahay.

Ninkii qaata waraaq nambar leh ayaa ka mid noqonaya baarlamaanka, ninkii qaata waraaq cad ee aan waxba ku qornayn xubinnimadii sidaa ayuu ku weynayaa, sida kalana waa laga dhigi karaa, micnaha, waraaq cad ninkii qaata ayaa galaya xubnaha baarlamaanka, ninkii waraaq wax ku qoran tahay qaatana sidaa ayuu ku weynayaa xubinnimadiisa, sidaa ayaana lagu xallin karaa xulidda baarlamaanka, waxaase la oran karaa kuwani meesha waxaaba geeyey ayaankooda, haddi markaa eed kuma laha, ee ayaan darradu Soomaali ayey ku habsatay, waa maroo iyagaii hoodo ma yeelan, waa marka labaade kuwii matali lahaa sidaan yey noqdeen, ayaan daran.

Markaa ka dib ayey ansixinayaan dastuurka qabyoqoraalka lagu sheegay, ee ilaa hadda la garan la’ yahay waxa ku qoran iyo waxa lagu qori doono, waxaa xigaya doorashada madaxweynaha, xulidda wasiirka koowaad, dhismaha wasiirro, sidaa ayeyna hawsha ku socon, iyadoon wax la kala dirin, kowna laga soo billaabin, waxaa isu kay qaban la’, waxaa laga gudbayaa marxaladda ku meel gaarka ah iyo baarlamaanka hala  kala diro! Oo haddii la kala diro yaa soo dooranaya? Yaab.

Puntland, maamulkii marti soorka iyo marti wanaajinta, shirkii Groowe ayaan dhaliillo yar ka qoray, waaba la ogaa wixii dhacay, waxaasne doonayaa inaan dadka xusuusiyo marka maamul la dhaliilo, yaan la isku qarin qabiil iyo isbaaro, meesha xaal marayo ma wanaasgana, ha ahaato dadka reer Puntland ama dadka ka soo qaxay qaxarka Alshabaab Amisom iyo abaaraha ku duftay deegaanada koofureed, balse dadka qaarkii waxaa uma muuqdaan, oo waxaaba xaal ku sii sodaa ninkii Puntland afka soo mariyaa Istaaq furallaah ha dhoho.

Ma ahan markii ugu horreeyey ee hadallada midab takoorka iyo isir nacaybka ku salaysani ay Faroole ka soo yeeraan, maamulkaa rag yaa isu daba maray, qaylo sidaa u weyn kama jirin dhanka reer koofurka, C/laahi Yuusf iyo Cadde Muuse, Faroole siduu xilka u qabtay wuxuu u soo jeestay maasaakiintaa aan hoy iyo hargal midna haysan, maruu yiraa waa inay is diiwaan galisayaan, oo aan ka qoray qormadan: “Maamulka Puntland: Reer Koofurku ha is Diiwaan galiyaan!”, iyo maruu yiraa argagixisadu waa reer koofur, iyana aan ka qoray cinwaan ahaa: “Maamulka Puntland: Argagixisadu waa Reer Koofur!”, waaba yaabe ninku miyuusan xishoonayn? Sida muuqata maya, ee reer Puntland ha ka digtoonaadaan godobta ninkani u beerayo.

Alsabaab iyada waxay ku jirtaa firxad iyo kala carar, waa caadadooda markay arkaan cadaw isma haystaan, Beledweyn kabta ha iga goyn ayaa ka dhacday, Gedo oo dhan way faarujiyeen, illeen waxay oleyn yaqaanniin waa Soomaalidee, iyagana miyeysan ku habboonayn inay joojiyaan falalka gurracan ee arxandarrada ah, ka waantoobaan gacma goynta iyo lugaha iyo gamcaha isdhaafka ay u jarayaan, oo dadkooda dhinac ka raacaan.

AMISOM iyadu shaqadeeda ayey wadataa, xasuuqa umadda, dad ayey ku gumaadday Masjidka Alhidaaya, hadday gafuur duub yihiin maxaa iga bi’i lahaa? In kastooy iyaguba yihiin wiilal Soomaaliyeed oo dhimanaya, ee waa Tabliiq aan qori iyo qafaal midna ku jirin, qas iyo qalalaase aysanba ajande u hayan, haddana nabadgali waaye, Djibuoti ayaaba lagu eedaynayaa falkaa, oo saw tii lahaa madaxweyne Geelle waa Tabliiq, mise Anaa si xun wax u fahmay, ma garan, ma ahan markii ugu horraysay ee Alhidaaya la beegsado, sidaa oo kale Xabashida iyo xerta C/laahi Yuusuf ayaa xasuuq ka gaysteen sanaddii 2007-dii.

Dabcan inta murankani dhacayo, wadanka dhan waa holcayaa, muqdisho habeen walba dagaal ayaa ka dhaca, gobolada dhexe xabashi ayaa qabsatay, Kenya Gedo iyo Jubbooyina ayey dadkii ku xasuuqaysaa, waxyeelladii abaarahu wali ma dhammaan, ee doqonnimo ka weyn miyaa jirta dawlad laba guddi u kala dirsatay hal madal? Doqonnimo ka weyn miyaa jirta in wasiirka koowaadi doodaha baarlamaanka duub u xirto? Doqonnimo ka weyn miyaa in ninkii la casilaaba meesha isku sii celiyo?.

Weydiimuhu badan, markaa yaad ila garan waxaan u iri: “Doqon diran iyo Dacaad dabran!”, Dabcan arartana si weyn ayaa looga dareemayaa, wax isdhaama weynnay, xildhibaanno, gudoomiyeyaal baarlamaan, madaxweyne, ra’iisul wasaare, wasiirro iyo madax degmo, nin walba wuxuu eeganayaa meesha uu joogo, wax kama galin inta kale, wuxuu xoogga saarayaa siduu damaciisa u meel marin lahaa, darajana u gaari lahaa, hadduu gaarana uusan ka guurayn.

Madaxweyne qabanaya shaqadii gudoomiye degmo, gudoomiye degmo oo qabanaya shaqadii madaxweyne, guddomiye baarlamaan oo qabanaya shaqadii wasiirka koowaad, wasiirka koowaad oo qabanaya shaqadii gudoomiyaha baarlamaanka, ma baarlamaanka ayaa xaq u leh inay dowladda aqoonsadaan? Mise dawladda ayaa baarlamaanka aqoonsanaysa? La kala garan waa, yaabka yaabkiisa, Aniga waxay iga maraysaa, meeshu ninku ka yiri: “Hashu maankayga qaadde ma Misaar bay laqday!.

Ugu dambyn, Anigu oran maayo sida Dr Ulusow xildhibaanno xor ah, waxaanse oranayaa xildhibaanno xiiqsan, u xusulduubaya sidii ay wax u kala irdhayn lahaayeen, u xuurtoonaya sidii ay wax u kala gayn laahaayeen, u xamaaranaya sidii ay wax u dumin lahaayeen, u xaalsanaya sidii ay wax u qasi lahaayeen, xaq dulmi isu badalay, daacadnimo dabran, duuflaal darawal ah, dayac baahsan, Daciif damman iyo doqon diran, goorma laga dabaalanayaa?.

 

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com





0 Comments


Be the first to comment!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>