QEYLODHAAN
Ku Soo Dhawaada Qeylodhaan
qeylodhaan


Lyrics

October 20th, 2011

Kooxda Qaylo-dhaan: dun xariir ah & dareen garasho

24_Kooxda_Qaylo_Dhaan_image006

Wq. Anwar Maxamed Diiriye

“Wixii Cusub Caalamkaa Jecel, Hablaha Cas-casna Caashaqaa Jecel”,  ereyo ku jirey masrax faneedkii “Dhir Jacayl Wada Daaqnaye Dhaqanku Yaanu Habaabin,” oo ay kooxdii Cadceed ee Xaruntii Dhallinta Kacaanka ee Lafoole ay 1978 dalka oo dhan ka dhigeen. Waxa curiyay Daahir Yuusuf Xamdulle “Ilkacase”.

Waa ummad Alliyo amin Eebbe; waa goor habeen ah, madashuna waa Safari Hall & Banquet. Waa qol weyn oo si farshaxannimo leh loo gogley loona agaasimey. Xaflad in door ah la sugayey oo uu yaraha daahiyey dhaqan ardaal ah oo aan hooyo & aabbe lahayni oo malaha u gaar ah qurba-joogta Soomaaliyeed ee ay daad-xoortu ku furtay Minneapolis ayaa la wada jeedaalinayey. Goor ay abbaaraha tahay laba & tobankii habeennimo oo toban ilbiriqsi uun la’ ayaa ilqayrta laga sheegay in ay bilaabmayso xafladdii la sugayey ee ay garwadeenka ka ahaayeen Kooxda Qaylo-dhaan oo London nooga timid & fannaaniin reer Minneapolis ah oo soo dhoweyntooda habeeno badan u soo jeeday.

Sacab, jiib, jaan & or farxadeed ayaa qolkii aan fadhinay gilgiley markii Jooqle Shire Jaamac & curadka walaalkiis ah ee Cabdi Shire Jaamac magacyadoodii war-baahiyiha laga naadiyey. Show diifta, daalka hornaanta & dhaan-dabagaaleyntaba dhabtaad ku hilmaantaaye jabaq dananeed codad reemayaal, xarkooley, dhadamooley foori-afuuf & aalado jabaqeed kale ka sameysan oo si aqoon & xirfad leh la iskugu dhafay ayaa dhegaha nooga dhacay, oo dhowr hees oo miro hafeef

kalgacal leh ayaa is dabaqabsaday. Wax yar dabadeedna, hadal aan fagaarayaasha fanka Soomaalida looga baran oo dhaqan ugubi hillaadinayo ayaa ruuxba ruux ka dambeeyey. Dareen waddaninimo, mid dhaqan & mid waano bulsho ahba waa la isku sheegay oo kii hadlaaba kii horuu baro dheereeyey. Hadiyado midabbo kala duwan leh ayaa arbayaashii Qaylo-dhaan hal-hal loo guddoonsiiyey annana sacab & cod farxadeed ayaan ku qaabbilnay. Kooxda Qaylo-dhaan intii joogtey & intii maqnaydba kartidooda guud ahaan & gaar ahaanba waa loo sheeg-sheegay, mahad balaadhan waa loo hanniyeeyey, “Soomaaliyi kooda nool wax uma quuraantiina!”, habeenkaa been ayey noqotay………Abshire “malaha circa kicitin khayr baa Soomaali u galay!”

Markii la gaarey baarkii labaad ee bandhig fanneedka waxa sidii gufaaco roob dhegaha dhegeystayaasha loogu shubay heeso cusub oo dastuurka & 4.5-ka ay Soomaaliyi caddaaladda indhaha la’ ka dhigatayba lagu hujuumey bulshadana lagu hoga tusaaleeyey. Dhallinyaro (rag & dumar) codad halaasiya oo weli dihin leh ayaa midba mid u dhiibey baar heesahaas ka mid ah, mabsuudna waannu ka noqonay hab-masrixiyadoodkoodii, soo gudbintii miraha ee ay ku heesayeen & erey-tilmaan ku kabkoodiiba.

Heesta Dastuur waa uun hees xilliyeed, waxana laga daymoon karaa mirahaeeda:

Ma dastuur qabyaahoo
Duul aan awood iyo
Aqoon durugsan u lahani ay
Dibedaha ku qorayaan baad
Nagu daalinaysaan?!

Heesta 4.5 waa qidcaddii aniga iigu muhiimsanayd iiguna xiisaha badnayd ee xadanteysay/godlisey maankayga, laabtayda & garashadaydaba. Waa miro cabbirkoodu gacan & gaari waa yahay! Waa hal-abuur daqeynaya caddaalad dul-ka-xaadin & muruq tuujin garta loogu naqay; waa boog mar horeba si doqoni ma garatanimo ah ugu suntantay sees siyaasadeedka bulshada; waa suurad sirgacan oo haddii qof shisheeye ahi dhanka aan ka liidano & nabarkeena doon-doono si sahlan ugu muuqan kara, libtana la inookaga heli karo; waa gar garaad hooseynteenna laga dhilan karo lagana arki karo; waxaase mahad leh in hal-abuur indho cuddoon oo garasho dheer leh Eebbeheen noogu daw galay.

Waa hal-abuur dareenkiisu shabbaho kan hooyada habeen oo dhan soo jeeddey ee ilmaheeda afurkii arooryo sidii ay ugu diyaarin lahayd & habeenkeer oo dhan dhaban & dheeg taabashadooda ku mashquushay ee aroortii marka ay ilmaheedu kacaan ay moodi jireen in hooyo caawoo dhan sidooda oo kale iska jiiftey oo ay si raaxo leh u leddey. Ilmahaasi inta laxooxdooda cunaan ayey illinka ka boodaan iyaga oo fekerka caynkaa ah qaba……..adduunyooy xaalkaa ba’ maxaa la iska ogyahay. Taas waxa ka dhigan oo aan intaa oo dhan u soo araranayey waa qoyska reer Shire Jaamac Ciyaar Jecel oo ay inamadoodu in badan oo aan hurudney wax ay soo jeedaan oo ay gaadhka naga hayaanba aroortii nagu anqariyeen sidii ilmo xalay dhashay oo kale dareenka durugsan ee aafada 4.5 & halka ay nagala degtey dadnimo, garasho & abuur ahaanba; waxayna ay yiraahdeen:

 

Waa baaq dadweynoo
Waa badbaadadeenee
Four point five
Bulshayahay ha yeelina

 

Dawladdii bilaababa
Waxa belada ugu wacan
Dhibta uga baxaynoo
Barakada u weydaa
Waa point fayfkee
Bulshayahay ha yeelina
Four point fife
Bulshayahay ha yeelina

 

Waa boog qabiil huwan
Oo baha bahaa iyo
Biif-baaf la mariyoo
Laynagu bah dilayaa
Bulshayahay ha yeelina

 

Tiin-tiin la beeriyo
Baxdin weeye nabaroo
Aan abad  bogsoonayne
Bulshayahay ha yeelina

 

Boqolowgu diyadiyo
Bilicduu ka siman yahay
Ninna isaga  oo bara
Boqorkeen ma uumine
Four pont five
Bulshayahay ha yeelina

 

Kuwa boob ku naaxaa
Sadbursiga siyaasada
Ugu weel baneystee
Bulshayahay ha yeelina

Baxri Sheekh Aweyskii(1)

Dadka diinta bari jirey
Bal Sakhaawadiinkii(2)
Ba hoos ku halle noo dhigay
Ma barbaa ma buuxaan
Mise waaba boqoloo
Dadkay baac dhan dheer yiin!

 

S.Y.L(3) raggii bilay
Bahda Qaasim Hilowliyo(4)
Axmed Naaji(5) baaqii
Birmad kuwii ahaa iyo
Barafosoor Dalxoo(6) kale
Reer Banaadiroo idil
Ma barbaa ma buuxaan 
Mise waaba birimoo
Dadkay baac dhan dheer yiin!

 

Waa baaq dadweynoo
Waa badbaadadeenee
Four point five
Bulshayahay ha yeelina

 

Heestani waxa ay noqon doontaa garashaydayda mid baarka hore ka gasha quursidiidka & caddaalad xumida bulshadeena ragaadisey. Haddii xitaa siyaasadda guracan ee 4.5-ku meesha ka baxdo waxa ay garab & gaashaanba u noqon doontaa dadka la hayb-sooc, waxana ay mudan tahay in abaalkeeda la mariyo.

 

Baarkii seddexaad ee xafladda dhawr fannaan ayaa ilqayra & warbaahiyahaba si deeqsinimo leh iskugu hambeeyey oo midba midka kale si kalgacaltooyo leh ugu banneynayey, waxa ayna hayd qaataye qaado togan oo tabnaantii laga ilaaliyey.

Waa tii hore loo yiri “xoortii laga dhamay xagaagii & xusuus baa geella lagu xero geeyaaye”, waxa ilqayrtaa habeenkan iska helay dhallin soo wada kacaantay oo in muddo ah kala baaddey, waxaana kaftan dhable is wareysi u badan arrintaa ku bidhaamiyey oo weliba aad nooga qosliyey Jooqle Shire Jaamac & Axmed Sheekh Daahir “John di lorry”, oo hadal laba shub ah kuna saabsan “waayihii dhallinyaranimada & madashii Lafoole ee ay ku koreen”, isla jiibiyey, annana waa sidayadiiye qosol aan xarko lagu qabto lahayn ayaan jaanta warnay. Koleyba anigu xusuustaas ayaan wax ku lahaa oo soddon & seddex sano, gurigii “Cirjiir & xaafaddii Liibya”, ee aan ku barbaaray & xusuus dhallintii aan wada ciyaari jirney oo Alle ha u naxariisto wax dhintay & wax noole aanan imika intoodii badnayd meelna ku ogeyn ayey dib u eegiddoodii & dareemaddii dhallinyaro dib iigu celiyeen. Xaqiiqda qosolka intiisa badan anigu wax kuma aanan lahayn ee badweyn hugun weyn ayaan dhex muquurtay doontii qalbigaygana shiraaceedu uu ku xirnaa oo berisamaad ayey dib iigu celiyeen, “malaha habeenkuba inta aynigayga oo kale ah ee habeenkaa kobta fadhidey si gaar ah ayuu u ahaa ama iyagaaba lahaa!”.

 

Isku soo duub oo bandhig fanneedkani waxa uu ku sar go’naaday xikmadda sare ee aan ku bilaabay qormadan baarkeeda koowaad ee leh “wixii cusub caalamkaa jecel…..,” oo ah ereyo xikmadeed hiil & badhitaar u ah hal-abuurka & ta’liifta cusub ee waayaha adduunka ku tiirsan goor & ayaanba & sida facba fac uga duwan yahay ayna khasab u tahay in fac waliba hal-abuurkiisa ku baytimaaliyo waayihiisa, iyaga oo aan hal-abuurkii horana ka tegin. Waana taas tan ka dhigaysa hal-abuurka siiqadda cusub leh ee Kooxda Qaylo-dhaan mid leh astaamo cuddoon, togan oo iyada u gaar ah sidii ay heestii “Qaylo-dhaanba” u soo saareen. Isku soo xoori oo waxa ay soo bandhigeen masrixiyad casri ah oo jiilasha dambe & kuwa la da’da ahiba ay si sahlan uga markhaati kici doonaan sida ay uga duwan tahay hab-masrixiyadeedyadii looga bartay hal-abuurkii kale ee iyaga ka horreeyey, Maashaa Allaahuye!

 

Kooxda Qaylo-dhaani waxa ay kulansatay dun-xariireed Soomaalinimo & dareen garasho oo durugsan, haystana xilligiisii. Waa dhallinyaro mudan in wax laga barto, ereyadooda & hoga-tusaaleyntooda deeqsinimada lehna lagu camal falo, daydo, loona beekhaamiyo jiilasha soo socda oo kayd looga dhigo. “Ummad aan xusuus durugsan & waayo fog oo ay wax ku oddorosto lahyni ma yeelato aragti dheer & jiritaan togan”.

 

Fiiro-gaar: “Walaalo isku tiirsani way xabaalo yarestaan, wayna xoolo badsadaan; walaalo kala daadsanina way xabaalo badsadaan; wayna xoolo yareystaane”, Sarreeye kuwii xabaalo yareysta oo xoolo badsada ha idinka dhigo. Ogoobeey xoolaha xikmaddani hillaadinayso garashada & garaadka wacan baa ka mid ahe!

 

Anwar Maxamed Diiriye
Gobaad Multidisciplinary Study of Somali Society – Editor
Minneapolis, Minnesota
E-Mail: Anwar@usfamily.net

 

(1) Sheekh Aweys Maxamed Baraawe; wadaad can ka ahaa koofurta Soomaaliya dabayaqadii qarnigii 19aad.

(2) Cabdulqaadir Sakhaawadiin; hogaamiyihii ugu horreeyey ee S.Y.L isla markaana ka mid ahaa 13kii dhallinyaro ee  Aasaastay xisbiga.

(3) Xisbigii dhallinyarada/leegada ee u soo halgamay xorriyadda geyiga Soomaaliyeed.

(4) Fannaan ruug-caddaa ahaa oo ka dhaxlay hibada fanka aabbihii isna uga tegey ilmihiisii &ilmahoodii>

(5) Axmed Naaji Sacad; fannaan caan ah oo ku heesa Soomaaliga & Carabigaba.

(6) Maxamed Cumar Dalxa; macallin ka tirsanaan jirey machadkii afafka ee Jaamicaddii Ummadda Soomaaliyeed; wax yar ka horna ahaa guddoomiye ku xigeena koowaad ee baarlamaanka ku meelgaarka ah

 

 

 

 





7 Comments


  1. Raage Waayeel

    aniga waxaan somaliyey in leeyahay qabilka iyo burburka iyo waxyalahaaas oo dhan dhibkaan iyo mid kasii daran iyo murugoooyin kasii xun xun bay noo keenayaan walalayaalow somali banahay isku afa isku color ah isku diin ah hala is cafiyo oo aan ayaheena iyo wadankeena iyo dadnimadeenii aan soo ceshano.


  2. marka hore salan qali ah aa hawada idin so marsina mel walba ay joggan shacabka somaliyed kan xika waxaa halkan salan qima leh halkan oku dugbinaa dhalinta is xilqanday ee qeylo dhan kar ahan rer shere jamac ciyar jecel waxaa idin lelahay howshaa wadaan aad aa uku maqsudnay waana arin farxad le sidedaba somalida ma aaminsana dhalinyaro yar aa wax horsedi karto lakin tasi wa qalad meshan waxaa lo bahanyahay ficilka uku horeeyu ka bacdi qof walba oo wanagka aa wadan arko maskaxdisa oo ka shaqeysinaa marka hadal badan han ma buxshu ee somalida ku mah mahdaa marka waxaa inka codsanaa howshaa wadan in aa halkina ka siwadan ilahey idinkis wee idin fududahe mid ne ha leska ilalshu wax howshina haki karo iska ilalsha siba aniga cil waxaa ika hayaa barlamanka mesha iska fa fadhiy oo waxba qawanen ilaa 34 aa wada ogsonahay maahinee kuwan sida mesha looka bixi lahaa ka shaqeya iyu cid walba oo hakar damo wado waxaa idn lelahay mel walba aa adunka jogdan ku nawad kala somalidown aa sarandahay ee downda si habsami ah ha noku xurado mel wanagsan hadane haddane waxaa la jogga waqtiki ay khawarijda aa kala jabayen shika baydhabo waxa ka so baxay waa wada ognahay in ay culimadda somaliyed ay afka furden waa araknaa waa araknaa in muqdishu min bosaso ay dilal qorshesan ka dhacayan oo la dilay dr sh axmed xaji cabdi raxman marka waxaa la jogga dowrki culimada iyu shacabka iyu fananinta iyu cidamada xoga talka somaliyed markee is ka shan lahayen wana hadda marka insja alah kher alaha ka dhiko kar ahan cabdi sher salan sare ok kher alaha ka dhiko


  3. sahra

    masha alaah waxaan salamayaa kooxda qeylodhan waxaan ugu mahadcelinayaa shaqada ay uhayaan umada somaliyed waxaan ugu hambalyeynayaa wabka quruxda badan masha alaah alaha idin saacido walalayal


  4. Sahro

    Masha allah kooxada qeyalo dhaan waan idiin salamay dhamaantin waxad wadan shaqo fiican waan idiin hamabalayaay nah meshina kasi waada shaqaada


  5. yahye

    walaal xagee kala xarera kabiirka qaylodhaan abdi shire jamac


    • admin

      Yahye Elbarakaat brotha Contact Us-ka waad isticmaali kartaa, fariintaadu toos ayay u gaadhaysaa Kabiirka Qeylodhaan Abwaan Abdi Shire jama, ama facebook account-kiisa ku darso oo halkaas kala xidhiidh,
      thanks By Khadar Gaas



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>