QEYLODHAAN
Ku Soo Dhawaada Qeylodhaan
qeylodhaan


Maqaalo

July 5th, 2012

Koxda Qeylodhaan oo siweyn logu soo dhaweyay Magaalada Muqdisho.

qeyladhan-jooqle_5

Waxaa Maanta Graoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay fanaaniin katirsan Kooxda Qeylo dhaan oo ah kooxcku caanbaxday Heesaha Wadaniga gaar ahaan kuwa ka turjumaya Dareenka Shacabka Soomaaliyeed.

Fanaaniinta Qeylo dhaan katirsan ee Muqdisho maanta timid ayaa waxaa kamid ah Jooqle Shire Jaamac, Muusikiistaha C/xakiin Farayare kuwaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cdade ee Mgaalada Muqdisho.

Waxaana Soo dhaweynta Fanaanintan Soomaaliyeed maanta ka qeyb qaatay dadweyne fara badan kuwaa oo sacabaha u tumayay kuna soo dhaweenayay caleemo qoyan iyo boorar ay ku qornaayeen Halkudhigyo soo dhaweyn u badnaa kuna faraxsanaa in sanado badan kadib Fanaaniinta ay Maanta Muqdisho kusoo laabtaan.

Jooqle Shire Jaamac, oo Warbahainta kula hadlay Garoonka isaga dareen Farxad ay ka muuqato ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Magalaad Muqdisho uu kusoo laabto mudo 20-Sano kadib ,waxa uuna xusay in uu ka qeyb qaadan doono Halganka umada Soomaaliyeed.

Fanaanka ayaana intaa ku daray in dareenkooda iyo sidii loo heli lahaa Qaranimada luntay ee Soomaaliya ay ku muujin doonaan Qaab suugaaneed isagoona xusay in ay maanta farxad gaar ah u tahay in Muqdisho yimaadaan isaga iyo Saaxiibkiisa Fara yare.

Dhawaan ayey aheed markii sidaan oo kale Muqdisho u yimid Gudoomiyaha Kooxda Qeylo Dhaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel ,iyadoona Kooxda Qeylo dhaan ay noqotay Koox Cusub oo fanka kusoo biirtay Sanadii 2009-kii balse noqotay koox caan baxday oo aad loo jeclaaday.

 












0 Comments


Be the first to comment!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>