QEYLODHAAN
Ku Soo Dhawaada Qeylodhaan
qeylodhaan


Maqaalo

October 23rd, 2011

CADDAALADDU WAA NOLOL WANAAGSAN

aw-aden

W/Q: Cabdi Jaamac Aw-Aden

April 22, 2011

Maamiyihii caanka ahaa ee la oran jiray Sokraatis (Socrates) ee u dhashay Dalka Giriigga noolaana intii u dhexeysay  sannadihii 466 iyo 399 dhalashadii Ciise (NNK) ka hor baa mar yiri; “ardaydaydu way yaqaannaan jawaabaha su’aalaha ay i weyddiinayaan ee waxay rabaan inaan ka caawiyo sidii ay  maskaxahooda uga heli lahaayeen jawaabaha ay doonayaan”. Waxaa la yiri; shaqadii Sokraatis baa aheyd inuu aqoonta ka curiyo qofka maskaxdiisa. Wuxuu naftiisa kala mid dhigay tan ummulisada, wuxuuna isu arkay mid ka ummuliya maanka rimman. Ninkaas oo ka shaqeyn jiray dhagaxjabinta si uu naftiisa, tii afadiisii Xanthippe iyo labo wiil oo uu dhalay  u caawiyo, baa saldhig u ahaa isbeddel xagga fikirka ah oo uu u ku sameeyay falsafadyahannadii hore. Wuxuu wareejiyay ku foognaantii sayniska si loo sharraxo arrimaha nolosha, wuxuuna u wareejiyay hab fikiradeed baaritaanno sameynaya oo ka qancinaya nafta arrimaha nolosha. Sokraatis oo ku dhashay magaalada Athens, noloshiisiina ku dhammaystay gudaheeda, marna ma uusan qorin waxyaalihii uu ka dooday ama qaadaadhigay waxaase ku dhigay qoraalladiisii sida tii Phaedo ardaygiisii Plato .
Dadkii waayihiisii la joogay waxay u arkeen nin aad u foolxun. Asagoo cagocad oo garkiisa iyo timahiisuba dayacan yihiin buu meeraysan jiray magaaladii Athens. Waxaa Sokraatis loo xiray inuu ilaahyadii reer Athens taqwadooda seegay oo kuwo cusub halabuuray iyo inuu dhallintii fasahaadiyay. Aakhirkii waxaa lagu codbixiyay in la dilo oo uu cabbo koob ay ku milan tahay suntii hemlock. Intii uu xirnaa baa saaxibbadiisii u soo jeediyeen inuu cararo, wuuse diiday asagoo sheegay in intii uu noolaa sharciyadii Athens dhawri jireen naftiisa iyo ciqaabta caddaaladda oo u arkay daaweynta nafta.
Sokraatis wuxuu aad uga murmay caddaaladda, doodo dhaadheer ka dibna wuxuu ku qancay inay caddaaladdu tahay wanaag iyo inuu ku heli karo qofku taas naftiisa oo uu aqoon u yeesho. Wuxuu ku dooday in wanaag jiro dunida qof walbana uu awoodo helitaanka wanaaggaas. Sokraatis wuxuu soo bandhiga su’aasha ah; waa maxay caddaalad?
Waxaan ka helaynnaa labadii buug ee ugu horreeyay (Rupublic) dooddii dheerayd ee dhexmartay Sokraatis iyo falsafadyahannadii waayahaas. Waxay gunaanadkii isku raaceen in caddaaladdu tahay wanaag, sidaas darteedna sax tahay in la yiraahdo caddaalad-darradu waa shar. Haddaba si qofku caddaalad u sameeyo waa in isaga laftiisu yahay mid wanaagsan.
Waa maxayse wanaag?
Waxaa la yiri wanaaggu waa wixii la rabo, loo baahan yahay, la waayay. Kuwaas buu yiri Sokraatis waa baahiyo abuurriin ah ee maaha wuxuu qofku moodayo inuu u baahan yahay. Qof dabcigiisu waa kaas loogu yeero cifriid-ahaanta qofka gudihiisa ah ee doonaysa wax dhan. Dabcan wanaagga waa la raadshaa waayo waxaa ku qanca qofka abuurtiisa. Wuxuu ku sii tiraabay Sokraatis baadigoobka ladnaantu waa “qasadka dabiiciga ee nolosha”. Laakiin maadaama qofafku kale duwan yihiin, cirfiidnimada ama sharka qofku mid walba gooni bay u tahay. Sida kaliya ee loo heli karo cirfiidnimada qofka waa iyadoo la feydo ama daaha laga rogo waxtarkiisa qumman (intii la dabageli lahaa ra’yigiisa ama siday tahay inuu ahaado). Waxaa sidaan lagu sameyn karaa kaliya aqoon. Wuxuu yiri Sokraatis mar haddii aqoontu wanaag horseedayso iyada lafteeduna waa wanaag. Aqoonta qofku u yeesho laftiisa waxay horseeddaa inuu kale ogaado farqiga u dhexeeya waanaagga iyo sharka. Wuxuu kaloo yiri; kaliya kan naftiisa aqoon u yeeshay baa wanaagsanaan kara. Kan og gafka ma sameeyo gaf ee kaan ogeyn kaliyaa sameeya gafka. Sidaas awgeed, aqoontu waa samaha, jahliguna waa xumaha ama cilladaha. Halkaan buu ku xusay afar samayaal ah: geesinnimo, iska-adkaansho, caddaalad iyo cabsi eebbe oo dhammaan raadadkoodu gelayaan aqoonta.
 Ka dib, markii lagu heshiiyay inaan midaan caaddil aheyn wanaagsanaan karin, mid caaddil ahna xumaan karin, bay falsafadyahannadu qeexitaan u goobeen caddaaladda. Waxaa dooddii Plato ee Gorgias ka mid aheyd in Sokraatis yiri: “hubaashii ladnaantu kama dhexjirto shararka kamana dhexsameysmi karto”. Si uu arrintaan u xoojiyo buu su’aalay kuwii dhegaysanayay inay suureeyaan qof xanuunsan, inuu isaga sugnaando xanuunkiisa iyo inuu raadsanayo daaweyn? Waxaa shaki laheyn inuu daaweyn raadsanayo. Ka dib wuxuu tilmaamay qofkaan waligi jirran inuu ka farxad badan yahay qofkii xanuun laga daaweeyay. Markuu intaas sheegay, Sokraatis wuxuu ku dooday in ciqaabta dambigu tahay daawada sharka iyo in caddaaladdu tahay tan horseedda ciqaabta. Mar haddii qofkii caafimaadka qaba ka farax badan yahay kii la daaweeyay, qofkii aan gafin wuuu ka farax badan yahay kii falalkiisii loo ciqaabay (caddaaladda la marshay). Qofkase ugu liita waa qofka nolosha shar ku hoggaansha una qaata inuu fiican yahay maadaama aan ciqaab la marin. Wuxuu Sokraatis ku maseeyay qofkaan liita sidii cunug ka cabsanaaya daawada caddaaladda. Wuxuu aad uga cabsadaa kaarka daaweynta. Wuxuu ahaadaa mid ka indhola’ waxtarrada waayaha soo aaddan oo uu heli doono, kuwaas oo ah: ruux ka maran musuqmaasuqa, qaska, caddaalad-darrada, iyo aakhirkii sharka. Qofkaasi umuu arko in ciqaabtu tahay daawada kaliya ee sharka, wuxuuna u waqti dheereeyaa dhibkiisa. Wuxuu Sokraatis weyddiiyay ujeeddada nolol uu ka adeegayo ruux aan caaddil aheyn; nolol caddaalad huwan baa ka muhimsan waxyaalaha kale ee la haysto. Sidaas baa heerarka sharka qofka gefaa u  yahay heerka labaad, laakiin kan inta gefa la baxsada gefkiisii baa heerka kowaad ah. Wuxuu Sokraatis ku gebogabeeyay:
Qofkii gefaa ama dan ka leh daryeelka, waa inuu isxilqaamaa oo aadaa meesha isla markiiba lagu ciqaabayo; sida isagoo u taga garsooraha, isla sida uu takhtarka ugu tagi lahaa hadduu jirrado. Sidaas yeelisteedu waxay ka hortageysaa in cudurka caddaalad-darradu faafo oo noqdo aafo ruuxna ku ahaada kansar aan la daweyn karin; waa in aannaan oggolaan aayahaan.
Sida lagu xusay Republic/dii Plato, wuxuu Sokraatis weyddiiyay doorka caddaaladdu ku leedahay qofka noloshiisa, wuxuuna bilaabay dood kale oo uu ku gunaanaday “ waxay taraysaa saaxibbadeen wanaag markii ay iyagu yihiin kuwo wanaagsan waxayna heeraysaa cadawgeenna markay iyagu yihiin kuwo shar ah.” Qiimeyntaan Sokraatis kama dhigin tii u dambaysay ee wuxuu sii tilmaamay in gefka sameyntiisu uu aad uga xun yahay ciqaabta laga kasbado isla gefkaas. Wuxuu kaloo yiri; “haddaad caaddaalad-darro sameyso ahaantaada gudaha ah bay waxyeelaysaa”. Halka waxyeellaynta qof ay tahay kaliya caddaalad-darro, qofka caaddilka ah qofna wax ma yeelo, hadduu sidaan midaan aheyn sameeyana wuxuu ka dhabeeyay inuusan aheyn qofkuu sheeganaayay. Halkaan bay markii ugu horreysay taariikhda falsafadyahannadii reer Yurub uga dhawaaqeen inaan qofku waxyeelin qof kale, cadawgiisana ha ahaadee.
Buuggii kowaad ee Republic/da, wuxuu Sokraatis ku hantay muranka ah in dadka ay u fududdahay inay ku daataan ku raaxeysiga caddaalad-darrada intii ay dooran lahaayeen lama dhaafaanka khasaaraha leh iyo u-dulqaadashada dhibabka caddalad iyo wanaag ku ahaantu la imaan karaan.
Mar hadday nolosha caddaaladda xanbaarsan ay ka muhimsan tahay raaxada muuqata, xumaha iyo caddaalad-darradu waa hakan karaan, khasaaraha iyo dhibabka la marayaa waxay noqonayaan qiimo yar oo la bixinaayo. Wuxuu ka roon yahay qof sabool ah oo wanaagsan, lehna  ruux caaddil ah qofka hodanka ah oo hantidiisa xumo ku tabcay ruuxiisuna sidaas ku wasakhoobay.
Sokraatis wuxu falsafadda ku soo kordhiyay hab cusub oo la fakaro. Aragtiyadiisii waxay hiyickiciyeen falsafadyahanno badan ilaa maantana casharradiisii waa la adeegsadaa.  Wuxuu noqday hal-tusaaleedka falsafoyahannada, asagoo u dhintay waxyaaluhuu rumeysnaa. Sida lagu xusay Crito/dii Plato; wuxuu isbarbar dhigay xumaha iyo samaha ay leedahay, hadduu yeelo taladii saaxibbadi ee aheyd inuu xabsiga ka baxsado, wuxuuna ka doorbiday baxsasho uu xeerarkii Athens ku jabinaayo inuu naftiisa waayo sidaasna tahay sida qumman. In kastoo aqoonyahannadii falsafaddu murannadoodii ku sheegeen inuu doqonnimo sameeyay, haddana xaqiiqdaasi waa tuu Sokraatis ku khatimay noloshiisii iyo gunaanadkii uu caddaaladda u sameeyay.
Bal isu eegaa aragtidii ninkaas saboolka ahaa oo cagocaddaa noolaana 2400 oo sano ka hor iyo kuwa ka hawlgala geyiga Soomaaliya ee maanta oo ku andacooda inay muslin yihiin oo haystaan xariggii suubbanaa ee Eebbaha sarreeya. Haddana isu eega qofka Soomaaliyeed ee wax uun bartay meeluu joogaba iyo faaladdada uu la muuqdo.

Cabdi Jaamac Aw-Aden

abdiaden1957@yahoo.com

 

 





0 Comments


Be the first to comment!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>